Tilmaanbixinta akhriska

Qaamuuska finish–soomaaliga

  • 28 332 eray qaamuuseed oo finish ah ayaa ku jira
  • eray qaamuuseedyadiisa oo idil waxay leeyihiin eray ama erayo soomaali ah oo u dhigma ama ku macne ah
  • waxaa laga helayaa macluumaad ku saabsan, habka erayga finishka ahi u nadoocsamo iyo sida loogu dhawaaqo
  • wuxuu wataa tusaalooyin la xiriira, halka erayga loo adeegsado

Qaamuusku waa mid aalado kala duwan lagu akhrisan karo. Taasi macnaheedu waa in qaamuuska si fudud loogu adeegsan karo telefoonnada, kombiyuutarrada iyo taableetyada. Shaashad kombiyuutar ayaa laga soo qaaday sawirrada tusaalooyinka tilmaanbixintan la socda.

Eray qaamuuseed

Qormo erayeedka waxaa ugu soo horreeya eray qaamuuseedka af finishka ah. Eray qaamuuseedku wuxuu ku qoranyahay xarfo ka waaweyn qoraalka intiisa kale.

Qaabka eray qaamuuseedka

Erayo qaamuuseedka qaamuusku waxay caadi ahaan u qoranyihiin hab eray saleed ahaan ah ama qaab aasaasi ah. Eray saleedka falku waa masdar, sida antaa, itkeä, tulla, syödä, siivota. Eray saleedka eray magaceedyada, sifeeyayaasha, magacuyaallada iyo eray tireedyadu waa qaab keliyeedka kayska ereyada afka finishka ee magacyada, sifooyinka, tirooyinka iyo magacuyaallada ah, intuusan isrogrogga kaysasku ku dhicin, sida auto, idea, hyvä, se, kaksi. Marmarka qaarkood eray qaamuuseedku wuxuu u dhignaan karaa qaab wadareed, sida sakset, häät. Marmarka qaarkood eray qaamuuseedka waxaa ku daba qornaan karta ”tav. mon.” oo loola jeedo caadi ahaan waa wadar ama ”us. mon.” oo loola jeedo badanaa waa wadar, tusaale ahaan liikennevalo, presidentinvaali.

Eray lammaane ah oo eray qaamuuseed ah

Marka uu eray qaamuuseedku yahay eray lammaane ah, qaybaha uu ka koobanyahay waxay ku yaallaan eray qaamuuseedka hoostiisa, iyadoo xarriiq taagan | lagu kala qoqobay.

Nambar ku hor oolli kara eray qaamuuseedka

Erayo qaamuuseedka qaarkood waxaa ku hor oolli kara nambar (1., 2. ama 3.). Nambarka eray qaamuuseedka ku hor yaalla wuxuu sheegayaa, in eraygu homoonim yahay ama qaabwadaag leeyahay, taasoo loola jeedo, in eraygu qoraal ahaan eray kale la mid yahay, laakiin ka macno duwanyahay, tusaale ahaan 1. kuusi 'puu' ama 2. kuusi 'lukusana'.

Waxyaabo erayo qaamuuseedku khaas ku yihiin

Erayo qaamuuseed waxaa sidoo kale ah

  • soo gaabinno: eray ahaan loo akhriyo (EMU) ama xaraf-xaraf loo akhriyo (DVD)
  • magacyo goobeed (qaarado, bado, harooyin, webiyo, jasiirado, buuraley, dowlado, caasimado)
  • laamaha shaqo ee ururro caalami ah ama kuwo Midowga Yurub hoos yimaada, maxkamado caalami ah ama heshiisyo
  • magacyo la xiriira bulshada finishka (Kela)
  • magacyada goobaha guud (Arkadianmäki)
  • magacyada ciidaha finishka (Kalevalan päivä).
Magacyo cilmiyeedka xayawaanka iyo dhirta wuxuu qormo erayeedka uga yaallaa eray qaamuuseedka hoostiisa, isagoo qoraal jiifa leh.

Ku laabashada bilowga bogga

Nadoocinta erayga

Eray qaamuuseedka dhiniciisa midig ee sare xigta waxaa ku taalla astaan jibbaar oo kale ah (korgale), taasoo tilmaamaysa nadoocinta erayga. Korgalaha waxaa loo adeegsadaa ama uu noqon karaa nambarro, baro xiddigeed iyo xarfo.

Nambarka korgalaha. Nambarka eray qaamuuseedka dhiniciisa midig ee sare xigta ku yaalla wuxuu tilmaamayaa Qaamuuska xafiiska luqadaha jaantuskiisa habdhaca nadoocinta.

Xiddigta korgalaha. Xiddigta ka dambaysa nambarka tilmaamaya habdhaca nadoocinta waxay sheegaysaa, inuu eraygu hoos yimaado nidaamka isrogrogga shibbanaha.

Xarafka korgalaha. Xarafka ka dambeeya nambarka iyo xiddigta suuraggalka ah ee ku yaalla eray qaamuuseedka dhiniciisa midig ee sare xigta wuxuu tilmaamayaa jaantuska isrogrogga shibbanaha ee Qaamuuska xafiiska luqadaha.

Ku laabashada bilowga bogga

Kooxayn naxweedka erayada

Eray qaamuuseedka ka dib, qormo erayeedka waxaa laga helayaa macluumaad ku aaddan kooxayn naxweedka erayada (eray magaceed, sifo, magacuyaal, eray tireed, qurub, fal). Erayga qeexaya kooxayn naxweedka erayga wuxuu ku dhiganyahay qoraal jiifa.

Ku laabashada bilowga bogga

Macne(yaasha) eray(ada)

Macluumaadka ka hadlaya kooxayn naxweedka erayga ka bacdi, qormo erayeedka waxaa ku yaalla soo gaabinta KS. Soo gaabintani waa linki kugu xiraya qormo erayeedka u dhigma ee ku jira Qaamuuska xafiiska luqadaha. Qaamuuska waxaa sidoo kale ku jira erayo qaamuuseed aan laga heli karin Qaamuuska xafiiska luqadaha, kolkaasoo linki isku xirayana uusan jirin.

Ku laabashada bilowga bogga

Macne(yaasha) eray(ada)

Erayo qaamuuseedku waxay leeyihiin macnayaal erayo oo af soomaali ah. Macnayaasha erayadu waxay ku qoranyihiin far la nuuriyay oo ay hakadyo u dhexeeyaan.

Qeexid(aha) macne(yaasha) eray(ada). Haddii eray qaamuuseedku uusan lahayn macne eray oo soomaali ah, macnaha eray qaamuuseedka waxaa lagu sharxay qeexid kooban.

Qeexidda macnaha eraygu waxay daba oolli kartaa macnaha erayga qudhiisa. Kolkaasoo ay macnaha erayga sii faahfaahinayso.

Ku laabashada bilowga bogga

Koox macneed(yo)

Eray qaamuuseedka macnayaashiisa kala duwan waxaa lagu kala qaybiyay nambarro.

Ku laabashada bilowga bogga

Soo gaabinta laanta ama hannaanka erayga loo adeegsado

Soo gaabinnada ku jira qormooyin erayeedyada waxay la xiriiraan laanta ama hannaanka erayga loo adeegsado. Soo gaabinnadu waxay qormooyin erayeedyada ugu dhiganyihiin qoraal jiifa.

Eraygu ama muujintu waxay u taagnaan kartaa

  • laan gaar ahaaneed oo xirfad ama aqoon ka mid ah (tekn., lääk., mus.)
  • af haasaawe (ark.) ama hannaan suugaaneed (ylät.)
  • liidid (halv.), kaftan (leik.) eray gaboobay (vanh.)

Astaamahan la xiriira laamaha ama hannaanka erayga loo adeegsado waxay toos u tilmaamayaan eray qaamuuseedka finishka ah. Erayada la soo gaabiyay macnayaashooda af finishka iyo af soomaaliga ahba waxaa laga helayaa jaantuska erayada la soo gaabiyay.

Ku laabashada bilowga bogga

Tusaalayaasha halka erayga loo adeegsado

Qormo erayeedka waxaa ku jira tusaalayaal la xiriira adeegsiga erayo qaamuuseedka. Tusaalayaashu waxay ku qoranyihiin finish iyo soomaali.

Tusaalayaashu waxay iftiiminayaan macnaha erayga iyo sidoo kale weeraha iyo arrimaha inta badan loo adeegsado. Tusaalayaashu waxay u kala baxaan kuwo weerahoodu aysan buuxin ama dhimanyihiin (hauska juttu, laitteen käyttöohjeet, piirretty elokuva) ama kuwo weerahoodu buuxaan ama dhanyihiin (kirjoitin kirjeen käsin, tuulee kovaa, minkä hintainen tämä on?, älä konstaile vaan syö!).

Weeraha tusaalayaasha ah waxaa lagu muujiyay xiriirka ka dhexeeya erayga wax xukuma iyo midka la xukumo ama qaabka laga rabo, inay u dhigmaan erayada kale ee la xiriira (se kiinnostaa minua kovasti, kuuntelimme kaunista musiikkia, avaatko minulle oven?). Tusaalayaasha waxaa qaabab kala duwan loogu adeegsaday qofka, amminta iyo habka. Maaddaama ay tusaalayaashu yihiin kuwo fudud, qofka iyo amminta si fudud ayaa loo beddeli karaa, haddii loo baahdo.

Ku laabashada bilowga bogga

Tilmaanbixinta ku dhawaaqista

Qormo erayeedku wuxuu leeyahay tilmaan bixin ku dhawaaqis, haddii erayga loogu dhawaaqo, si ka duwan habka loo qoro. Habka loogu dhawaaqo waxaa lagu daba qoray eray qaamuuseedka oo bilo xaglo toosan leh buu ku dhex jiraa. Haddii farta caadiga ah ee eraygu ku qoranyahay iyo habka duwan ee loogu dhawaaqo la wada heli karo, labadaba qormo erayeedka waa lagu muujiyay: tusaale ahaan beige [beige t. beež].

Tilmaanbixinta dhawaaqistu waxay ku salaysantahay habqoraalkan hoos ku yaalla:

ŋastaanta dhawaaqa äng, tus. doping [doupiŋ]
šastaanta dhawaaqa shibbanaha codlaawaha ah, tus. charterlento [š-]
zastaanta s-da ee dhawaaqa codlaha ah, tus. blues [bluus t. bluuz]
žastaanta dhawaaqa shibbanaha codlaha ah, tus. collegepusero [kolidž-]
əastaan shaqal oo lagu soo qaban karo e-da iyo ö-da, tus. catering [keitəriŋ]
wastaan dhawaaq oo u dhaxaysa v-da iyo u-da, tus. hardwear [haadweə(r)]
~astaanta sanqaaleed ee shaqalka, tus. genre [genre t. žããr]
xastaanta asbireeshinka, tus. kai [kaix t. kai]
´astaanta codkaca ee daba taalla shaqalka alanka codkacu saaranyahay, tus. cappuccino [kapputšii´no]
shaqalka dhawaaqiisu dheeraado laba xaraf baa lagu astaameeyay, tus. fleece [fliis]

Ku laabashada bilowga bogga

Soo gaabinnada qaamuuska loo adeegsaday

alat.alatyylissäafxumo
amm.ammattinimikemagac xirfadeed
anat.anatomia, anatominenanatomi
ark.arkikielessäaf haasaawe
astrol.astrologiaxiddigis
biol.biologiabayooloji
el.eläintiedecilmiga barashada xayawaanka
eläinlääk.eläinlääketiedecilmiga caafimaadka xayawaanka
ent.entinenhore
erisn.erisnimimagac gaar
farm.farmakologia, farmasiafarmakooloji
fil.filosofiafalsafad
fon.fonetiikkacodayn
fys.fysiikkafiisikis
fysiol.fysiologiafisiyooloji
geol.geologiajooloji
geom.geometriajoometeri
halv.halventavaliidid leh
hist.historiataariikh
ilm.ilmailuduullimaad
ilmat.ilmatiedecilmiga hawada
jne.ja niin edelleeniyo wixii la mid ah
kasv.kasvitiedecilmiga barashada dhirta
kem.kemiakimistari
kiel.kielitiedecilmi-afeed
kirjap.kirjapainoalalaan madbacadeed
korttip.korttipelitciyaaraha turubka
kosmet.kosmetiikkamaaddooyinka isqurxinta
kuv.kuvakielessä, kuvallisestiafmaldahan
kuvat.kuvataiteetfarshaxan sawireedyada
käs.käsityöthawlgacmeedyo
last.lastenkielessä, lapsille puhuttavassa kielessäaf carruureed
leik.leikillinen, leikillisestidheeldheel ah
liik.liikealalaan ganacsi
lyh.lyhennesoo gaabin
lääk.lääketiedecilmiga caafimaadka
maant.maantiedejuquraafi
maat.maatalousshaqooyinka beeraha iyo xannaanada xoolaha
mat.matematiikkaxisaab
mer.merenkulkubadmaaxid
mon.monikko, monikossawadar, jamac
mus.musiikkimuusig
myt.mytologiasheekabaraley hore
oik.oikeustiedecilmiga sharciyada
opt.optiikkacilmiga barashada ilayska
pol.politiikkasiyaasad
psyk.psykologiacilminafsi
rak.rakennusalalaanta dhismaha
rautat.rautatiealalaanta dhabbabireedka
ruok.ruokatalous, ruoka-alalaanta quudka
slg.slangissaafsuuq
sosiol.sosiologiasosiyooloji
sot.sotilasalalaan ciidameed
sähk.sähköala, sähkötekniikkalaanta korontada, farsamada korontada
t.taiama
taipum.taipumatonisrogrogin
tal.taloustiede, talouselämäcilmiga dhaqaalaha, dhaqaale
tav.tavallisesticaadi ahaan
tekn.tekniikka, tekninentigniko, tigniko ah
tekst.tekstiilialalaan dhareed
teletekn.teletekniikkafarsamada isgaarsiinta
tietotekn.tietotekniikkacilmiga kombiyuutarka
tilastot.tilastotiedecilmiga istaatiistikada
tms.tai muuta sellaistaiyo wixii soo raaca
täht.tähtitiedecilmiga xiddigaha
urh.urheiluisboorti
us.useinbadanaa
usk.uskonto, uskonnollisessa kielenkäytössädiin, luqad diineed
valok.valokuvaussawirqaadis
vanh.vanhentunutgaboobay, eray gaboobay
vars.varsinkinkhaas ahaan
yks.yksikkö, yksikössäkeli
yleisk.yleiskielessäaf guud
ylät.ylätyylissähannaan suugaaneed
ym.ynnä muu, ynnä muutaiyo kuwo kale

Ku laabashada bilowga bogga